Xeer ilaaliyaha qaranka oo shaqsiyaad kale u hajnabay kadib xarigii CC Shakuur

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ka mid ah mas’uuliyiin maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku raad joogaan shaqsiyaad uu sheegay in ay ku Howlan yihiin Duminta Dowladda Soomaaliya kuwaas oo isugu jira nuucyo kala duwan.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in ay ku raad joogaan shaqsiyaad isugu jira siyaasiin iyo mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo ku howlan Qiyaano qaran waxa uuna tilmaamay in la soo qaban doono shaqsiyaadkaasi dhawaana loo soo bandhigi doono Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Xeer ilaalinta ayaa daba jooga Howlgal ay xalay Ciidamada amaanka ka sameeyeen Guriga Siyaasiga mucaaradka ah ee C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com