Facebook Pinterest Twitter Youtube
  • About us
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • English
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • About us
  • Privacy Policy
Logo
0
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
Facebook
Instagram
Pinterest
Twitter
Youtube
29.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
Wararka

Dowladnimadu m aha khalad khalad ku sax

December 18, 2017
By Asad Cabdullahi Mataan
1 min.
Bookmark
Bookmarked
Share
Facebook
Twitter
Pinterest
WhatsApp
Linkedin
Email
Print
Viber

    Share

    Facebook
    Twitter
    Pinterest
    WhatsApp
    Linkedin
    Email
    Print
    Viber

      Ugu horreyn waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii soomaaliyeed ee xalay ku dhintay gacan kahadalkii dhexmaray dowladda iyo xubnaha mucaaradka, dhacdadaasi waxay ahayd mid aan farxad galin dadka u dhuun daloola siyaasadda soomaaliya ee usoo joogay hanaanka dheer ee kacaa kufka ah oo ay soo martay dowladnimada iyo dimuqraadiyadda curdinka ah ee aan maanta haysano.

      Doodu ma aha in Abdirahman Abdishakur Khalad leeyahay iyo in kale laakiin hanaanka ay dowladnimadu u martay soo qabashadiisa oo ah mid dadka soomaaliyeed soo xasuusinaya dowladdii kaligii taliska ahayd waana dhaqan bilow u ah in dalka lagu hogaamiyo burbur iyo sharciga oo gacmaha lagu qaato.

      Dowladdu Maxay Ku Khaldantay?

      Sida dastuurka ku xusan qof walba oo muwaadin ah xuquuq ayuu leeyahay xaqna waa lagu leeyahay, xuquuqda uu muwaadinku leeyahay waxaa kamid ah in aan xorriyada laga qaadin iyada oo aan waaran maxkamadeed oo danbiga lagu haystaa ku cadyahay loo soo jarin.

      Mucaaradnimadu ma aha danbi dastuurka ayaa u ogol qof walba oo muwaadin ah inuu noqon karo muxaafad ama mucaarad isagoo aan dastuurka jabinayn.

      Dowladdu iyo in badan oo shacabka soomaaliyeed kamid ah waxay ku eedeynayaan siyaasi Abdirahman Abdishakur iyo qaar katirsan xildhibaanada golaha shacabka inay dalkan kusoo qaateen qanadaraas oo lacago laaluush ah oo dowlado kale usoo dhiibeen ay ku bixinayaan sidii dowladda loo dumin lahaa arrinkaasi waa tuhun dowladda waxa laga rabay inay baaritaan ku samayso kadib na marka ay caddaymo ku filan hesho ay uga dacweyso maxakamadda si loo soo xiro Abdirahman Abdishakur looguna qaado danbiga loo haysto marka uu ku cadaado, hadii uu waaranka maxkamadda u hogaansami waayo markaas ayay ahayd in marka u damaysa tallaabo milatary oo maxkamadu amartay la qaado.

      Tallaabada ay dowladdu maanta qaadday waa bilow hadii ay sii socota waxaa iman doonta maalin qofkii BBC da dhagaysta ee Radio muqdisho dhagaysan waaya la xiro, waa tallaabo horseed u noqonaysaa dhamaadka dimuqraadiyadii yarayd ee aan naaxinaynay.

      Qormadaan kuma difaacayo mucaaradka kumana mucaaradayo dowladda laakinn waxaan ku difaacayaa cid walbana ay tahay inay difaacdo waa dastuurka iyo xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta, sharciga ayaa ka sarreeya cid walba mana aha in hal dhinac gacanta ku qaato.

      W/Q: Siyaasi Abdullahi Nur

      Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

      - Advertisement -
      QORAALKII HORE
      Dhageyso: Wasiirka Amniga oo si cad u sheegay inaan Muqdisho lagu qaban karin shir aan fasax loo heysan
      QORAALKA XIGA
      Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
      Asad Cabdullahi Mataan

      Read more

      Wararka

      Saciid Deni oo isbeddel wayn ku sameeyay hoggaanka Booliska Puntland

      Wararka

      Maxay ka wada-hadleen Xasan iyo Ra’iisul wasaaraha Serbia? + Sawirro

      Wararka

      Muxuu Lafta-gareen kala hadlay Xildhibaannada uu kula shiray Nairobi? + Sawirro

      Wararka

      Ciidanka Gorgor oo arrin cajiib ah ka sameeyay Shabeellaha Dhexe + Sawirro

      Caalamka

      Iiraan oo dib ula wareegtay marinka Hormuz kuna dhawaaqday go’aan culus

      Local News

      Wararka

      Saciid Deni oo isbeddel wayn ku sameeyay hoggaanka Booliska Puntland

      Wararka

      Maxay ka wada-hadleen Xasan iyo Ra’iisul wasaaraha Serbia? + Sawirro

      Wararka

      Muxuu Lafta-gareen kala hadlay Xildhibaannada uu kula shiray Nairobi? + Sawirro

      Wararka

      Ciidanka Gorgor oo arrin cajiib ah ka sameeyay Shabeellaha Dhexe + Sawirro

      LogoTalk

      Caasimada Online is a reputable and reliable source of news and information on Somalia. As the largest Somali news site, we are dedicated to providing our readers with accurate and up-to-date coverage of the country's politics, society, and culture. Founded in 2009 by a Somali-American journalist, Caasimada Online is owned by Caasimada Media Group and headquartered in Mogadishu. In addition to keeping our readers informed, we strive to promote democracy in Somalia. If you have any questions or comments, please don't hesitate to contact us at [email protected]

      Important Links

      • Privacy Policy
      • Contact Us

      Trending

      Wararka

      Saciid Deni oo isbeddel wayn ku sameeyay hoggaanka Booliska Puntland

      Wararka

      Maxay ka wada-hadleen Xasan iyo Ra’iisul wasaaraha Serbia? + Sawirro

      Wararka

      Muxuu Lafta-gareen kala hadlay Xildhibaannada uu kula shiray Nairobi? + Sawirro

      Social Media

      © Caasimada Online 2012 | All Rights Reserved

      Facebook
      Instagram
      TikTok
      Twitch
      Twitter
      WhatsApp