Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari nuuciisa uu SURF yahay ayaa ku qarxay degmada Dharkeenley gaar ahaan Ajabka.

Sida ay Caasimadda u xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga qarxay ayaa waxaa watay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo  Kulane Cabdi.

Gaariga ayaa Qarxay markii uu ka degtay Ninkii watay, waxaana la sheegay in aysan jirin Khasaare ka dhashay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in gaariga shidaal lagu shubi rabay, islamarkaana Sarkaalka uu ka degtay uuna aaday meel aan ka fogeyn.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa  gaaray goobta ay wax ka dhaceen.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa isna u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Sarkaalka uu mid ka mid ah Wiilashada Gawaarida dhaqa u diray,waxaana uu Gaariga qarxay inta uusan wiilka gaarin,iyada oo sidoo kalena aysan jirin cid wax ku noqotay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com