Xildhibaano kulan xasaasi ah ku yeelan rabay Hotel SYL oo loo diiday iyo Xaaladda oo..

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in la hakiyey kulan ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan rabeen Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo loo arrinsanayey in dib loo furo kala fadhiga Baarlamaanka oo dhawaan la xiray ayaa loo diiday inay kulan ku yeeshaan Hotel SYL kadib markii ay Maamulka Hotelkaas si cad ugu sheegeen inaysan fasax u heysan kulamo noocaan ah.

Arrintaan ayaa imaaneyso kadib markii ay Maanta Wasaaradda Amniga ku dhawaaqday inay Magaalada Muqdisho lagu qaban karin wax kulan ah oo aan fasax looga heysan Wasaaradda Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo dhici rabay qadada kadib ayaa la sheegay in la kansalay, waxayna wararka qaar sheegayaan inay Xildhibaanada aadeen Villa Hargeysa si ay halkaas kulankooda ugu qabsadaan.

Kulankaan ayaa waxaa qaban qaabadiisa laheyd Beesha Habargidir oo dooneyso inay taageero ugu hesho ololo looga hor imaanayo go’aanada kasoo baxay XeerIlaaliyaha Qaranka.

Kulankaas ayaa looga arrinsan rabay sidii aragti mideysan laga soo saari lahaa xaaladii ka dhalatay hadalkii xeer Ilaaliyaha Guud iyo xarigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaanada la doonayo in laga qaado Xasaanadda.

Kulankaan ayaa la doonayey in lagu saxiixo codsi ku aadan in dib loo furo kala fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lasoo sheegayaa inay diyaar yihiin ilaa 50  Xildhibaan oo diyaar u ah inay qalinka ku duugaan arrintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com