Maxay DF uga jawaabi la’dahay hanjabaada sawaariiq ee kooxda Xuutiyiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku goodisay inay weerar culus ku qaadi doonto magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ee Somalia.

Muuqaal ay soo duubeen Xuutiyiinta ayay ku sheegen inay fursad siinayaan maamulka cusub ee Somaliland, si ay uga laabtaan Heshiiskii Imaaraadka Saldhiga loogu siiyay magaalada Berbera.

Muuqaalka goodinta ah oo ay soo direen Xuutiyiinta ayaa waxaa lagu sheegay in gantaalo ay ku burburin doonaan magaalada Hargeysa iyo daaraha ka dhisan, waa haddii ay Somaliland si dhaqsi ah uga laaban weydo Heshiiska maadaama uu imaaday maamul cusub.

Xuutiyiinta muuqaalkooda kuma muujin in Somaliland ay ka tirsan tahay Somalia, waxa ayna kusoo koobeen keliya fariintooda goodinta ah.

Dowlada Somalia ayaan weli ka hadal Hanjabaada muuqaalka ah ee kasoo yeeray maamulka Xuutiyiinta ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Dowlada Somalia oo ku jahwareersan Siyaasada maamulka Somaliland ayaa u muuqaneysa mid maamulkaas ku fiirsaneysa Hanjabaadaha sawaariiqda ah, maadaama aysan ka talo qaadan DFS.

Dowladaha Reer galbeedka iyo kuwa Afrikaanka ah ayaa rumeysan in Somaliland ay qeyb ka tahay Somalia inteeda kale, balse aamusnaanta DFS waxa ay shaki galineysaa in maamulkaasi uu qeyb ka yahay Somalia.

Dowlada Federaalka waxa ay jawaab degdeg ah ka bixisaa hadal waliba oo duulaan Siyaasadeed u ah ee loo jeediyo maamulada dalka, hase ahaatee waxa ay su’aashu tahay miyeynan Somaliland qeyb ka aheyn Somalia?

Dowladaha taageera Somalia iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka ayaa sidoo kale u muuqda kuwo dowlada Federaalka ku tijaabinaaya ka hadalka Hanjabaada kasoo yeertay Xuutiyiinta Yemen oo iyagu sheegay in gantaalo ay ku garaaci doonaan magaalada Hargeysa.

Docda kale,  aamusnaanta DFS ee hanjabaadaasi ayaa Somaliland u noqon doonta rajo ay Somaliland kaga go’aan marba haddii DFS aysan muudin in ka jawaabida Hanjabaada Xuutiyiinta ay mas’uuliyad ka saran tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com