Muqdisho (Caasimada Onlime) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah uga hadlay Weerarkii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Madaxweynaha ayaa sheegay in falkaasi uu kuu amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod in uu baaris deg deg ah ku sameeyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) December 30, 2017
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”
Cabdi Qeybdiiid Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan.
Qeybdiid Waxa uu sidoo kale ku warramay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysan.