Dhageyso:-Sanoter Cabdi Qeybdiid Oo war cad kasoo saaray Weerarkii Lagu Qaaday Gurigiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka hadlay hoowlgal maanta Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Guri uu ka degganyahay Magaalada Muqdisho.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Guriga maanta ay Ciidamada Howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay amar la’aan galeen Gurigiisa.

C/Qeybdiid ayaa sheegay in Gurigiisa la bur buriyay oo Al-baabada xoog lagu jejebiyay isaga oo Warbaahinta u fasaxay in ay duubaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada maanta galay Gurgiisa ay jir dileen mid ka mid ah ilaaladiisa oo xilligaas ku sugnaa Gurgiga.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Duhurnimadii Maanta Saacadu markii ay aheyd 1:20 Daqiiqo ay Gurigiisa galeen Ciidanka socda dowladda kuwaas oo albaabka hore ee Gurgiisa ku jebiyay Gaari kadibna ay qoryihii ka qaadeen ilaaladiisa.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamadu ay sidoo kale jebiyeen Albaabadii guriga isla markaana ay baaritaano ku sameeyeen Qolalkii Guriga,sidoo kale ay taleefoonadii ka qaateen dhammaan dadkii joogay Guriga oo ay ka mid aheyd Xaaskiisa.

Wariyayaasha ayaa weeydiiyay cida ka dambeysa weerarkaas ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn balse uu soo wacay taliyaha ciidamada NISA ee gobolka Banaadir Saadaq un sheegay in Ciidamada weeraray Gurigiisa ay yihiin Ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta eek u sugan Muqdisho.

Waxa uu sheegay in uu yahay Nin Sanoter ah oo xasaanad leh isla markaana Gurigiisa iyo waliba isaga aan la baari Karin iyada oo aan xasaanada laga qaadin.

Sanoter Cabdi Qeybdiid faah faahino dheeri ah intaas ka badan kama sii bixin weerarka Duhurnimadii Maanta lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Seybiyaano gaar ahaan Beerta Jaadka ee degmada Hodan.

C/Qeybdiid ayaa ka maqnaa Guriga xilliga ay Ciidamada tagayeen waxaase uu tagay kaddib markii ay Ciidamada baaritaanka sameeyeen.

Ma uusan sheegin wax Guriga ay ka qaadeen Ciidamada,waxaana uu kaliya sharci darro ku tilmaamay weerarka Gurigiisa loo geystay sida uu sheegay.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com