Thaabit ” Waa in si deg deg ah sharciga loo horkeeno ciddii ka dambeysay weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay farlkii lagu weeraray Guriga Sanateer Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Guddoomiyaha oo booqasho ku tagay Guriga Sanateerka ayaa sheegay inuu falkaan ahaa mid argagax leh isla markaasna sharci darr ah.

Wuxuu sheegay inaan qof muwaadin Soomaaliyeed ah aan si sharci darro ah loo weerari karin iskaba daa Sanateer ka tirsan Aqalksa sare.

Guddoomiyaha ayaa falkaan ku tilmaamay mid aan la aqbali karin isla markaasna loo baahan yahay in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo lana soo taago sharciga dadkii ka  dambeeyey.

Guddoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri:

Waxaan aad ugu xumahay falkii argagaxa lahaa ee loo geystay familka & Hoyga Guddomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xassan Cawaale (Sen Cabdi- Qeybdiid). Hadda ayaan ka imid Hoyga Senatorka oo aan soo arkay dhibkii meesha ka dhacay.

Wax la aqbali karo ma ahan in muwaadin si sharcidarro ah gurigiisa lagu weeraro, familkiisana argagax loogu geysto, iskaba dayee Senator Qaran oo xasaanad buuxda leh. Waa in sharciga si deg deg ah loo horgeeyaa kuwa falkan argagax leh geystay iyo cid alaale cidii amarkaas bixisay.

Waxaan markale cod dheer ugu baaqayaa Dowladda Federaalka in Amniga Gobolka Benaadir sida sharciga uu qabo si toos ah loo hoos geeyo Golaha Amniga Gobolka Benaadir si mas’uuliyadda amniga Gobolkan u yeelato Isla-xisaabtan dhab ah.