Taliyaha Xoogga oo amar deg deg ah kasoo saaray Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Qaybdiid.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Gen Cabdi wali Gorod ayaa goor-dhaw Gaaeay Guriga la weeraray ee Cabdi qaybadiid waxa uuna ka hadlay weerarkaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in fal xun uu ahaa islamarkaana lagula xisaabtami doono ciodankii weerarkaas fuliyay.

Taliyaha ayaa ku baaqay in la soo qabto Ciidamada Howlgalkaan sameeyay, waxa uuna ku tilmaamay weerar fool xun oo dhaawacaya Sumcadda Dowladnimada.

Taliyaha ayaa ku tilmaamay falkii lagu galay laguna baaray guriga Senatorka fal xun waxana uu sheegay in lala xisaabtami doono ciidankii weerarkaas fuliyay.

Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada howlgalkaan sameeyay, waxa uuna ku tilmaamay weerar fool xun oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada.

Ciidamada galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamo si gaar ah ay u tababartay dowlada Imaaraadka Carabta waxayna ciidamadan weeraray guriga Cabdiqeybdiid ay ahaayeen kuwo wajiga soo duubtay watayna afar baabuurta tiknikada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com