Sawirro: Imisa Askari ayaa loo xiray weerarkii lagu qaaday Hooyga Cabdi Qeybdiid

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday Hooyga sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Taliyaha ciidamada Xooga ayaa Saraakiisha ciidamada ku amray inay xabsi dhigaan ciidamadii ka danbeeyay weerarka Hooyga Cabdi Qeybdiid, waxaana weerarkaasi loo xiray ilaa 40 Askari oo ka tirsan ciidamada uu Imaaraadka Carabta Tababaray.

40ka Askari ee la xiray ayaa la xaqiijiyay inay ka danbeeyen weerarka sanatar Cabdi Xasan Cawaale, kuwaa oo aan la garaneynin cida amarka kusiisay weerarka, waxa ayna daacad u yihiin Safiirka Imaaraadka ee Somalia.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sidoo kale xabsiga dhigay 2 Sargaal oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday Hooyga Qeybdiid.

Ciidamada loo xiray weerarka oo ka tirsan kuwa ay tababareen Imaaraadka ayaa ku andacoonaaya in weerarka uu imaaday kadib markii ay daba socdeen Macluumaad ka baxaayay Teleefan yeelay Hooyga la weeraray oo la dhageysanaayay, waxaana xusid mudan in Hub lagala baxay Hooyga Qeybdiid.