Sawirro: Xogo hordhac ah oo kasoo baxaaya weerarka Hooyga Qeybdiid & Indha Cadde oo gaaray Guriga la weeraray

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamo si toosa uga amar qaata Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa weerar xoogan oo uu dhiig ku daatay ku qaaday Guriga Senator Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale ” Qeybdiid”.

Ciidamadan weerarka ku qaaday Hooyga Qeybdiid ayaa waxaa la xaqiijiyay in laga soo abaabulay Xaruntooda ku taala Isgooyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Weerarka Hooyga Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa la xaqiijiyay in amarkiisa uu lahaa Taliyaha Ciidamadaasi oo fulinaayay amar kaga imaaday maamulka sare ee Xerada.

Ujeedka weerarka ayaa la sheegay inuu yahay mid ay dowlada Imaaraadka ku carqaladeyneyso amniga iyo xasiloonida ka jirta Somalia, waxaana arrinta weerarka ku lug yeesgay Saraakiil Imaaraati ah oo ka howlgala Xarunta laga maamulo ciidamadan ee ku taala Tarabuunka.

Mid kamida Saraakiisha hogaamineysay ciidamada weerarka qaaday ee lagu wado baaritaanka ayaa qiray in amarka weerarka uu ka imaaday maamulka Xerada, gaar ahaan Saraakiisha Imaaraadka ee tababarka siiya.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaan in lagu amray inay weeraraan Hooyga Qeybdiid, isla markaana kala soo baxaan Hubka ku jira.

Waxaa weerarka kadib gaaray Hooyga Qeybdiid Yuusuf Indha Cadde, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo Siyaasiyiin dhowr ah.

Indha Cadde ayaa Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid” ku qanciyay in maxkamada lasoo taagi doono Saraakiisha iyo ciidamada weerarka qaaday.