Muxuu Wasiirka Amniga ka yiri weerarkii lagu qaaday Hooyga Cabdi Qeybdiid & Cida loo qabtay?

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga u horkeeni doonto cidii ka dambeysay falkii ka dhacay guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale ” Qeybdiid”.

Wasiir Islow ayaa sheegay in baaris deg deg ah ay sameyn doonaan Saraakiisha amaanka dowlada Federaalka, waxa uuna wacad ku maray in sharciga la horgeyn doono cida lagu xaqiijiyo falka.

Wasiir Islow oo arrinkaas ka hadlaayay ayaa yiri ‘’Ciddii ka danbeysay falka ka dhacay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid sharciga ayaa la horkeeni doonaa, sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Wasiirka waxa uu intaa ku daray in baaritaanka ay ka qeybqaadan doonaan dhinacyo badan waxa uuna taa u sababeeyay sida lagu heli lahaa natiijo degdeg ah.

Islow ayaa sidoo kale ballanqaaday in dowlada Federaalka ay danbiilaha kusoo saari doonto muddo kooban waxa uuna cadeeyay inay la wadaagi doonaan Saxaafada wixii baaritaan ah ee soo baxa.

Dhinaca kale, waxa uu xaqiijiyay in weerarka loo xiray Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowlada waxa uuna sheegay in dhinac loo ridi doono kiiska weerarka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com