Sawirro: C/Qeybdiid oo soo bandhigay sida ciidamadii weerarka u geystay ay u qaseen Hooygiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan horay u sheegnay waxaa manta la weeraray Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Xildhibaanka ayaa xiliga weerarka ka maqnaa Hooygiisa waxaana halkaa ku sugnaa qoyskiisa xiliga uu dhacaayay weerarka.

Ciidamada qaaday weerarka ayaa gudaha u galay guriga waxa ayna kula dhaqaaqeen baaritaan xoogan, iyagoo jir dil u geystay ciidamada ilaalada ka ahaa hooyga iyo qaar kamid ah ehelka.

Qeybdiid waxa uu sheegay in mudada ay ciidamada ku jireen Hooygiisa ay qaseen dhammaan qololka isla markaana ula dhaqmeen sida hooy ay degan yihiin argagixiso.

Waxa uu intaa ku daray inaan la dhaafin dhammaan qololka xitaa suulida iyo ku shiinka lagu sameeyay baaritaan.