Kooxo shacabka Muqdisho ay ka nasteen muddo oo dib usoo cusboonaaday

MUqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, waxaa xilliyada habeenkii ah dhac ka gaysta kooxo burcad ah oo bartilmaameedsada dadka haysta taleefonada casriga ah ee Smart Phone.

Burcadan oo wata Mootooyinka Bajaajta, ayaa maqribkii wixii ka dambeeyo waxa ay galaan xaafadaha Degmooyin qaar ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmooyinka Wardhiigley iyo Hawlwadaag.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin kooxahan dhaca u gaysanaya dadka shacabka ah ee guryaha hortooda habeenkii ku caweeya.

Qof ka mid ah dadka dhaca loo gaystay ayaa sheegay Burcadda inay wataan qoriga Ak47, iyo bistoolado dadkana ay ku baartaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay qofkaan in laga qaatay taleefoonkiisa gacanta isaga ooh or fadhiya gurigiisa oo ku yaallo xaafada Baar Ubax ee Degmada Hawlwadaag, kadib markii Mooto Bajaaj agta laga soo dhigtay.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay inaysan wax ka qaban kooxahan burcadda ah ee dhibaatooyinka ku haayo dadka shacabka ah.

Masuuliyiinta Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa gaaray cabashada la xiriirta burcadaan dhaca gaysata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com,