Sheekh Shariif oo ka hadlay xaalada dhabta ah ee xiligaan ay ku jirto Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Turkiga ayaa ka hadlay xaalada ay xiligaan ku jirto Somala.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto xaalad adag isla markaana loo baahan yahay in loo helo xal waara oo ay abuuri karaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in Somalia ay weli ka jiraan dhibaatooyin badan oo sababi kara kuwa aan dawo laheyn, waxa uuna ku celcelshay in laga fiirsado waxa dhibta dib ugu celinkara Somalia.

Shariif waxa uu farta ku goday in dhibaatooyinka ugu badan ay yihiin kuwo ku dhaca dowlada iyo kuwo ay geysato dowlada waxa uuna tusaale usoo qaatay waxyaabaha ay dowlada geysaneyso haddii ay sugi weydo amnia in wixii dhacaa ay mas’uul ka tahay.

Shariif waxa uu farta ku goday in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadan in sababta ay Somalia u gaari la’day Horumar, waxa uuna taa ku micneeyay nasiib daro heysata Umadda Soomaaliyeed iyo kala danbeyn ku weyn bulshada.

Sheekh Shariif waxa uu xusay in dhammaan dadka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay horumariyaan dalkooda, islamarkaana ay taageeraan dowladda.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inaysan laheyn awood ku filan balse xiligaan ay tahay mid garab uga baahan Shacabka Soomaaliyeed si ay uga miro dhaliso hamigeeda.

‘’Waan la socnaa dowlada Somalia malaha awood, balse waxaan dareemi karnaa in awooda ugu macquulsan ay gaari karto goorta ay shacabka ka hesho garab lixaad leh’’

Sheekh Shariif ayaa hadalkan yiri mar uu Turkiga kula kulmay Arday Soomaaliyeed oo halkaa waxkabarata, waxa uuna ku celcelshay in la taageero dowlada Somalia, maadaama ay Somalia u baahan tahay dowlad.

Sidoo kale, Madaxda Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyan sida Somalia ay ugu soo celin lahaayen Garsoor caadil ah, maadaama dal aan laheyn Garsoor uusan dal dhameyn.

Haddalka Shariif ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay la kulmeyso cadaadis Siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka Mucaaradka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com