Qeybdiid oo xaqiiqsaday cidda tababartay ciidamadii weerarka ku qaaday hoygiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”.

Weerarka oo u muuqaal ekaa mid leysaga horgeynaayay dowlada Dowlada iyo Xildhibaan Qeybdiid ayaa waxaa iminka la ogaaday halka laga soo abaabulay.

Xildhibaan Qeybdiid oo macluumaad dheeri ah ka bixinaayay weerarka ayaa xaqiijiyay inay ka danbeeyen ciidamada Soomaalida ee ay tababartay dowladda Imaaraadka Imaaraadka Carabta.

Qeybdiid, waxa uu warbaahinta ka hor cadeeyay in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamo ka ay tababareen Imaaraadka Carabta, oo lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya. Si kastaba ta macnaheedu ma aha in Imaaraadka ku lug leeyihiin weerarka.

Qeybdiid, waxa uu tilmaamay inuu dareemi karo in weerarada qaar caqabado Siyaasadeed loogu abuurayo dowlada Federaalka.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com