Qeybdiid oo ka digay hal arrin loo adeegsado weerarkii lagu qaaday gurigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid”, ayaa ka digay in la Siyaasadeeyo weerarkii lagu qaaday Hooygiisa magaalada Muqdisho.

Qeybdiid, ayaa sheegay inaanu jirin sabab ay xiligaani Hooygiisa u weerarto dowlada Somalia, waxa uuna Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kaga digay in weerarka lagu qaaday Hooygiisa ay ku wada maraan.

Qeybdiid, oo Hooygiisa Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaano, Saraakiil iyo Siyaasiyiin kala duwan ayaa ka dalbaday inaan weerarka dusha laga saarin cid aan ka danbeyn waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo keliya baaritaanka lagu hayo weerarka.

Waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu yahay mas’uul xil u haya labada baarlamaan, sidaa aawgeed uusan xiligaan dooneynin inuu ku degdego war aan la hubin waxa uuna iska fogeeyay in weerarkaasi uu uga shakisan yahay dowlada.

“Weerarka leygu qaaday lama Siyaasadeyn karo waa arrin aniga i khuseysa waxaan ka digayaa in dhinacyada kasoo horjeeda dowlada iyo kuwa taageersanba ay Siyaasadeeyan weerarkeyga”

“Weerarkeyga waxaan rumeysanahay inaanu ku lug laheyn arrimo dowladeed iyo mid Siyaasadeedba, waxaan baaritaanka uga fadhiyaa keliya dowlada”

Qeybdiid, waxa uu tilmaamay in degdegta badan ay sabab u tahay Siyaasad xumo ku dhacday dowlado dhowr ah oo dalka soo maray, waxa uuna ku baaqay mar kale inaan la Siyaasadeyn weerarkiisa.

Dhinaca kale, Qeybdiid ayaa dowlada Somalia ugu baaqay in weerarka lagu qaaday Hooygiisa ay kasoo saarto Jawaab cad oo lagu qanci karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com