Bixitaanka ciidamada AMISOM oo si rasmi ah u bilowday & Ugandha oo ciidamo cusub la baxday

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in mar kale ay Somalia kala baxday ciidamo farabadan oo hordhac u ah qorshaha Somalia looga saarayo ciidamada AMISOM.

Dowlada Ugandha ayaa sheegtay inuu bilowday qorshaha la bixitaanka ciidamada, ka hor inta aan mar qura la wada saarin ciidamada.

Ugandha waxa ay tilmaanta in maalintii shalay ay Somalia kala baxday ciidamo dhan 281 oo kamid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ka howlgalaayay Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Uganda Korneyl Richard Karemire oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in bixitaanka Ciidankaan ay qayb ka tahay dhimista Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Waxa uu Korneyl Richard Karemire sheegay in 1000-kii ugu horreeyay bixitaankoodu ku egyahay 31 bishaan Dec, halka tirooyinka harsan ay ku dhameystiri doonaan muddo kooban.

Nuqul kamid ah hadalka Korneyl Richard Karemire ayaa ahaa “Waxaan horeyba u fulinay shuruudaheena sida Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaan horeyba u dhignay ciidankeena 281 si waafaqsan Dastuurka 31-ka December,”

Korneyl Richard Karemire, waxa uu intaa raaciyay in ku dhawaad 1000 Askari ay ka bixin doonaan Soomaaliya, islamarkaana 5000 ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wakiilada beesha caalamka ka jooga Somalia ayaa siyaabo kala duwan uga digay in xiligaan ciidamada AMISOM laga saaro Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com