Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax culus oo inta badan laga wada maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Wadada Warshaddaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxaa lasoo sheegayaa in subaxnimadan lala eegtay Kolonyo Gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan AMISOM.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid lagu dhuftay gaadiidka, halka warar kaa ka duwan ay sheegayaan in lagu aasay hareeraha wadad Warshaddaha.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada ku dhow dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa uu ka dhashay qasaaro kala duwan.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa xiray wadada Qaraxa kadib waxaana xiliga Qaraxa halkaa maraayay Gaadiid shacab iyo dad kusii jeeday goobahooda shaqo.

Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, inkastoo la xaqiijiyay inuu jiro khasaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com