Qeybdiid ‘’Dowladu ha cadeyso weerarkeyga dalka ma Imaaraadka ayaa maamusha ama iyada’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ciidamo Soomaali ka amar qaata  dowlada Imaaraatka Carabta ay weerar ku qaaden Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale ‘’Qaybdiid’’, ayaa waxaa weerarkaasi markale ka hadlay Senator-ka.

Senator Qaybdiid oo la hadlaayay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in meel looga dhacay Xasaanada isla markaana Hooygiisa la weeraray amar la’aan.

Senator Cabdi Xasan Cawaale, waxa uu sheegay inaanu aheyn qof shacab ah, balse uu yahay Senator ahna Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu Qeybdiid tilmaamay in shaqsiga xasaanada leh ay mamnuuc ka tahay in lagu xadgudbo ama lagu qaado weerar iyo wixii lamid ah baaritaano aan daruuri aheyn.

Qeybdiid oo la hadlaayay VOA ayaa yiri ‘’Wixii sharciga uu qabay ayaa loo qaatay qaab cagsi ah anigu waxaan leeyahay xasaanad cidna iguma soo xadgudbi karto iskaba daaye in weerar lagu soo qaado Hooyga ay ku noolyihiin xaaska iyo carruurteyda’’

Qeybdiid waxa uu Su’aal ka keenay sababta ay ciidamo daacad u ah Imaaraatka u weerareen Hooygiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dowlada Federaalka uu ka doonaayo inay cadeyso in lala maamulo dalka iyo inay iyada maamusho.

Qeybdiid, waxa uu tilmaamay inaanu maankiisa galin in magaalada Muqdisho ay ka jirto awood aan aheyn tan dowlada waxa uuna dowlada Federaalka ah ka dalbaday inay cadeyso goorta Imaaraadku qabsaday dalka.

Nuqul kamid ah hadalka Qeybdiid ayaa ahaa ‘’Waxaa sharci darro ah in ciidan aan Dowladdii Somaliyeed ka tirsanayn inay aniga i baaraan, haddee waxaa weeye sidee ku yimaadeen gurigeyga, ma Emirate baa dalka haysta’’?

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxaan rabaa inaan u daayo baaris illaa ay dhacdo. Ciidamada Nabad Suggida iyo Militariga kulli way yimaadeen, ayagaana hadda ka war dhawreynaa.”

Qeybdiid, waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin in ciidamo ka amar qaata Ajaaniib ay ku xadgudbaan xasaanadiisa waxa uuna arrin foolxun ku tilmaamay in iyadoo ay jirto dowlad Federaal ah uu shisheeye maamulanayo dalka.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha ciidamada Militeriga ayaa ku dhawaaqay baaritaano degdeg ah, waxaana kiiskaas baaritaanka ugu horeeya ku bilaabay Taliska ciidamada Militeriga.

Dhainaca kale, dowlada Federaalka ayaa laga sugayaa natiijada baaritaanka waxaana lagu wadaa in gudaha asbuucan lasoo saari doono wixii kasoo baxa barista socta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com