DFS oo laga dalbaday inay irdaha u xirto Xarumaha diblumaasiyeed & Saldhigyada ay Imaaraadka ku leeyihiin Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Bayaan kasoo baxay Hay’adda u dooda arrimaha xaquuqul insaanka ee magaceeda loo soo gaabiyay Ifrid, ayaa waxaa dowlada Federaalka ah ee Somalia loogu baaqay inay irdaha u xirto dhammaan Xarumaha diblumaasiyadeed iyo kuwa ciidan ee dowlada Imaaraadka ku leedahay Somalia.

Bayaankaan oo kasoo baxay Hay’adda Ifrid qeybteeda magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqa Imaaraadka uu ka dhexwado Somalia ay dhibaatooyin xasil daro u maleegi karto Somalia.

Ifrid waxa ay sheegtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay wakhti badan ku bixineyso sida ay Somalia dib ugu celin laheyd halkaa ay kasoo gudubtay dhowr sano ka hor, waxa ayna ka digtay in DFS ay dhaliilsato dhibta ay Imaaraadka u abuureyso Somalia.

Waxaa lagu sheegay bayaanka in dowlada Imaaraad ay Somalia la dooneyso mid lamida amni darada ka jirta Yemen iyo dalal kale oo African ah.

Waxa ay ku sheegen in Imaaraadka uu adeegsanayo Saldhigyada uu ka dhisanayo Somalia iyo wadamo kale oo Africa ah oo doonaya in Somalia ay kusii daba dheeraato colaadaha sukeeye.

Waxaa bayaanka sidoo kale shaaca looga qaaday in khatar dhinaca bani’aadanimo ay kasoo socoto oo saameyn doonta dadka Soomaalida ah waxaana sidoo kale ay sii hurin kartaa mucaradnimo xoogan oo ka dilaacda gudaha Somalia.

Hay’adaan Ifrid ayaa ku baaqday in gabi ahaanba la xiro Xarumaha diblumaasiyeed iyo Saldhigyada ay Imaaradka ka hirgalisay Somalia.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayey ugu baaqday inay ka fiirsato xiriirka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka carabta ee ku dhaqmeysa ficilada foosha xun ee ka fog diblumaasiyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com