Faarax Macalin oo Farmaajo & Kheyre ugu baaqay arrin dhibaato ku noqon doonta danaha Imaaraadka ee Somalia (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu baaqay in dalkeeda ay ka eryiso dhammaan Diblumaasiyiinta iyo Saraakiisha ciidan ee Imaaraadka ka jooga Somalia.

Faarax Macallin , ayaa qoraal uu kusoo daabacay bogiisa Twitter-ka ku sheegay in dowlada Imaaraadka carabta ay u bareereyso dhibaatada ay ka dhexwado Somalia.

Faarax Macallin, waxa uu sheegay in Imaaraadka ay ka gudubtay xeendaabka diblumaasiyada waxa uuna Madaxda ugu sareysa Somalia ugu baaqay inay jaraan dhammaan xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka, maadaama ay dhibaatooyin u maleegayaan Somalia.

Faarax Macallin  ayaa yiri ” Farmaajo iyo Kheyre, ka saara Imaaraadka Muqdisho, Ilaahay dartiis, xira safaaradooda, Saldhigyadooda Milatari ee Muqdisho’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Haddii sirdoonkiinnu hayo caddeymo ku filan in Imaaraadka uu Somalia ka wado arrimo argagixiso wey idinku filan tahay ee go’aan ka qaata Imaaraadka’’

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeysan inay qalqal amni iyo mid Siyaasadeed ku heyso Somalia, waxaana xusid mudan in Guddiga dabagalka Hubka Sharci darada ee QM ay dhowr jeer Imaaraadka ku eedeeyen inay Somalia galiso Hub sharci daro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com