Akhriso Hay’ada Culumada Soomaaliyeed oo Bayaan xasaasi ah kasoo saartay xaalada Siyaasadeed ee dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaalda Siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo khilaafyadii Siyaasadeed ee dhacay.

Warka qoraalka ah ayaa loogu soo jeediyay Siyaasiyiinta mucaaradka ah fariin ku aadan in mucaaradnimadooda ay noqoto mid wax dhista balse aysan noqon mid wax dumisa.

Sidoo kale Culumada ayaa waxa ay ka digeen in awood aan sharci aheyn la adeegsado iyaga oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Bayaankan oo ka kooban lix qodob ayaa Hay’ada Culumada Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan diintooda,dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Bayaanka kasoo baxay Culimada

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com