Maxaa kasoo baxay kulankii xasaasiga ahaa ee dhex maray Cabdi Qeybdiid iyo Madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo shalay ay gurigiisa weerarreen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ee Imaaraadku tababarreen.

Kulanka ayaa looga hadlay arrinta ka dhacday Guriga Cabdi Qeybdiid iyadoo madaxweyne Farmaajo uu arrintaas uga cudurdaartay Senator Qeybdiid, isagoo sheegay in sharci darro lagula kacay, ciddii ka danbeysayana tallaabo laga qaaday oo sharciga ay wajihi doonaan.

Labada dhinac ayaa isla garta in arrinta loo daayo baaritaanka socda, isla markaana meesha laga saaro in qaab siyaasadeed looga faa’iideysto arrintan dhacday, taasoo la isku afgartay.

Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa ka dalbaday madaxweynaha in xoogga la saaro sidii loo heli lahaa cidda amarka bixisay ee ka dambeysay weerarka lagu aaday Gurigiisa oo dhibaatada gaartay ay kala weyn tahay in la ogaado sababta iyo cidda amarka bixisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com