Aqalka sare oo deg deg ugu yeeray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta kulankoodii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen weerarkii shalay ciidamo la sheegay inay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen hoyga C/qaybdiid.

Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ay ku kaceen ciidamada, waxaana ay sheegeen in arintaan ay u baaha tahay isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Aqalka Sare Xildhibaanadooda, ayaa sheegay arintaan in wax laga waydiin doono Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka amniga Somaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aragti mideysan oo cambaareyn ah ka jeediyay falkaasi shalay dhacay, waxayna sheegeen muhiim inay tahay in la qaato masuuliyadda falka dhacay.

Ciidamo gaaraya 42 askari ayaa u xiran weerarkii shalay lagu qaaday hoyga C/qaybdiid ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkaasi.

Dhamaadka sanadkan 2017-ka ayaa waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed oo weli hadal haynteeda dalka ay ka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com