Halkee la geeyey ciidamadii iyo saraakiishii weerartay Guriga Cabdi Qeybdiid?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamadii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator C/qaybdiid ayaa waxa ay ku xiran yihiin Xabsiga Baarista ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ku leedahay Madaxtooyadda.

Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Somaliya ayaa inoo sheegay in ciidankaan baaris ay ku socoto, islamarkaana xalay ay ku hoyden xarunta Dambi Baarista Ciidanka NISA ee Madaxtooyada ku taal, si halkaasi loogu wareysto.

Ciidamada xiran ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 42 askari oo laba ka mid ah yihiin Saraakiishii horkaceysay hawlgalkii lagu galay hoyga C/qaybdiid ee ku yaallo Degmada Hodan.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay ciidanka galay guriga C/qaybdiid, laakiin qaar ka mid ah askarta oo siyaabo kala duwan loo wareystay ayaa sheegayay inay ku qaldoomeen hoyga C/qaybdiid.

Madaxweynaha Somaliya ayaa amar ku bixiyay in la baaro sababta ciidankan ka tirsan Militariga Somaliya qaybta ay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen guriga C/qaybdiid.

Ciidamadan galay guriga C/qaybdiid oo ka tirsan kuwa ay tababaraan Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay u tababaran yihiin kumaandooska oo kale, waxaana ay qaataan mushaar ahaan dhaqaale fiican, iyaga oo fuliyay weerarada qorsheysan.

Su’aal ayaa ka taagan illaa hadda sababta rasmiga ah ee salka ku hayso weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah Xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com