Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goordhow ka degay Caasimadda Maamulka Galmudug ee Dhuusamreeb.
Hogaamiyaha ayaa waxaa wehlinaayay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee maamulkiisa, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay dhigiisa maamulka Galmudug Iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horay u gaaray Madaxda Hirshabelle iyo Puntland oo dib uga biirtay shirka.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan madax kala duwan, waxaana lagu wadaa inuu ka furmo shirka lagu mideynaayo Galmudug iyo Ahlusunna.