Qatar oo iibsaneysa Hub cusub oo ay u adeegsaneyso gumaadka laba dal oo khatar ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Qatar ayaa wada qorsho ay ku iibsaneyso Hubka meelaha fogfog wax ka gumaada, kadib markii ay sii xoogeysteen Hanjabaadaha ay kala kulmeyso Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca Qatar ayaa sheegay in Hubkaasi ay uga gaashaman doonaan cabsi galinta ay kala kulmayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sheegay Afhayeenkan inuu socdo wadahadal suuragalinkara in Qatar ay si rasmi ah ula soo wareegto Hubkaas oo uu sheegay inuu isaga gudbi karo dal ka dal, hase yeeshee uu aad u yaraan doono iibsashada tirade Hubkaas.

Wuxuu tilmaamay in dowladiisa Qatar aysan ka waaban doonin dowladaha doonaaya inay faragalin ku sameeyan madaxbanaanida Qatar.

Nuqul kamid ah hadalka Afhayeenka u hadlay Wasaarada Difaaca ayaa ahaa ‘’ Qatar wey ka go’an tahay inay ka hortagto cabsi galinta kaga imaaneysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka cidna ugama ganban-doono inaan difaacno madaxbanaanideena’’

Dhinaca kale, Qatar ayaa dowladaha Caalamka ugu baaqday inay isha ku hayan daandaansiga Siyaasadeed oo ay wadaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com