Farmaajo oo sheegay 2 arrin oo si sahlan looga dhexlay Burburka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira socdaalkiisa nabadeed oo uu ku maraayay Gobolada dalka.Madaxweynaha oo Gobolada uu booqanaayo ka jeedinaayay Khudbado dhinacyo badan taabanaaya ayaa sheegay in xiligaan Somalia aysan u baahneyn dhibaato intaa kasii badan.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan Nolol iyo Nabad, sidaa aawgeed Hogaamiyayaasha Gobolada dalka laga doonaayo inay tixgaliyaan rabitaanka Umada Soomaaliyeed.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo tilmaamay in rabitaanka Umadda Soomaaliyeed uu yahay keliya Nabad iyo Nolol, balse aysan u baahneyn Hanjabaado iyo in la carqaladeeyo Nabada.

Waxa uu sheegay in dhammaan Umadda Soomaaliyeed ay la socdaan waxa ka dhacay Somalia wixii ka danbeeyay burburka dowladii Dhexe ee Somalia, waxa uuna tilmaamay in laga dhexlay 2 arrin oo kala ah:

1-Burbur oo ay wehliso colaado heerkooda gaarsiisan qabiil iyo Khilaaf.

2-Faqri ka dhashay burburka ay Soomaalidu ku keensatay gacanteeda.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibta ay iminka ku jirto Soomaalida inay kaga bixikarto keliya Maamulada ka jira dalka oo muujiya midnimo iyo wadashaqeyn dhow oo lala sameeyo dowlada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhinacyada kasoo horjeeda dowlada laga doonaayo in qudhooda ay si wanaagsan u matalaan shacabka, isla markaana ka fogaadan wixii sabab u noqonkara burburka dalka.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili Soomaalidu ay dareentay dhibta ka dhalatay burburka dowladii Dhexe ee Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com