Shirar aan lasii qorsheen oo Dhuusamareeb uga socda Mucaaradka DF & Muxaafidka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka oo halkaa uga qeybgalaaya shirka lagu soo afjaraayo Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ku jira Wasiiro iyo Xildhibaano kala taabacsan labada Aqal waxa ayna marqaati ka noqon doonaan Shirka iyo qodobada la kala saxiixan doona.

Wasiirada iyo Xildhibaanada qaar ayaa durba magaalada Dhuusamareeb kula kulmay tirro Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka dowlada.

Dhinacyadan waxa ay si qoto dheer u lafa gureen sida loo taageeri lahaa dowlada Federaalka isla markaana qaab asluubeysan dowlada loogu sheegi lahaa dhaliilaheeda.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa kuwa mucaaradka u sheegay in dowladu ay diyaar u tahay qaadashada dhaliisheeda, hase ahaatee keliya ay dhibsaneyso in dhaliisha loo mariyo Saxaafada.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa dhankooda shirarka gaargaarka ah ee ka socda Dhuusamareeb ka sheegay in dowlada Federaalka ay ku taameyso inay awood ku maquuniso dhinacyada mucaaradka, balse aysan dooneyn inay faragaliyaan qorshahooda.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in awoodooda ay tahay mid ku xeeran adeegsiga Saxaafada iyo Mooshin ka keenida Madaxda ugu sareysa.

Sidoo kale, Xildhibaanada mucaaradka ah ee iminka ku sugan magaalada Dhuusamareeb waxaa kamid ah Xildhibaan C/qeybdiid, Fiqi, Bukhaari iyo toboneeyo kale oo banaanka soo dhigtay mucaaradnimadooda.

Docda kale, magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan dhammaan dhinacyada Muxaafidka, Mucaaradka, Xildoonka iyo kuwo taageersan Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna isla markaana aan qeyb ka aheyn arrimaha kale ee khuseeya muxaafidka iyo mucaaradka dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com