Shaki ku jira furitaanka Shirka Mideynta Galmudug & Ahlusuna ee magaalada Dhuusamareeb

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta uu qorshuhu yahay inuu dhaco shirka dhameystirka Mideynta maamulka Galmudu iyo Ahlusuna.

Shirkaan ayaa lagu dhameystirayaa heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo horay ugu kala duwanaa Siyaasada.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Hogaamiyayaal maamul Goboleedyo, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gelinkii danbe ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana manta looga fadhiyaa in khudbad uu ka jeediyo shirka Mideynta labada dhinac.

Warar hoose ayaa sheegaya inay suuragal noqon karto in manta uu dib u dhaco shirka, maadaama qaar kamid ah Wafdiga la socday Farmaajo ay weli ku sugan yihiin magaalada Cadaado.

Dib dhaca suuragalka ah inuu imaado ayaa noqonaaya mid loo sababeynaayo sugitaanka Wafdiga weli ku harsan Cadaado, waxaana sidoo kale suuragal ah inuu furmo caawa.

Farmaajo oo ku guda jira xalinta khilaafyada ka jira Gobolada dalka ayaa xalay kulamo la qaatay dhinacyada Galmudug iyo Ahlusuna, Odayaasha dhaqanka, wuxuuna u sheegay inay muhiim tahay in heshiiskan la dhameystiro si horey loogu sii socdo.

Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusamareeb, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda, kuwa Galmudug iyo kuwa Ciidanka Hiil walaal ee dalka aan walaalaha nahay Jabuuti.

Docda kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com