Gaas iyo Madoobe oo go’aan mideysan ka qaatay ka qeybgalka shirka Mideynta Galmudug iyo Ahlusuna

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug uu ka furmo shir lagu soo afjaraayo Heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.

Shirkan maanta furmi doona ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxweynaha dalka, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaar kamid ah Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Shirkaan ayaa waxaan ka qeybgali doonin Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo iyagu shirka mideynta labada dhinac ka qaatay mowqif mideysan.

Axmed Madoobe, wuxuu sheegay sababta uu ku baaqanayo in ay tahay shaqooyin muhiim u ah Maamulkiisa Jubaland oo uu ka qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxyaabaha baajiyay safarka uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb ku sheegay iney qeyb ka tahay safarro uu ku soo kala bixinayo qeybo ka mid ah degaanada uu ka arimiyo maamulkiisa ee kala ah Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Warar madax-banaan oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya In Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas uu isna ka baaqan doona shirka mideynta labada maamul, waxaana jira sababo gaara oo la sheegay inuu uga baaqanaayo shirka.

Gaas ayaa qorsheystay inuu Dhuusamareeb ku tago diyaarad gaar ah oo ay QM leedahay, balse waxaa dhacay Khilaaf la xiriiray baaris la doonayay in Madaxweynaha iyo agabkiisa lagu sameeyo, taa oo la sheegay inuu ka carooday Gaas, sidaana uga baaqsaday shirka Dhuusamareeb.

Howlwadeenada la socday diyaarada QM ayaa si bareera u diiday in Wafdiga Gaas ay raacaan diyaarada iyagoo aan la baarin, waxaana Garoonka ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo mudo kooban ka jiray buuq arinkaas ka dhashay oo markii danbe xal loo waayay.

Hogaamiyaha ayaa ogolaaday in la baaro ilaaladiisa, lagana reebo diyaarada hubka ay doonayeen iney ku dhex qaataan balse aysan suura gal eheyn in la baaro boorsooyinka Gaas iyo mas’uuliyiinta sarsare ee la socota.

Si kastaba ha ahaatee, labada Hogaamiye maamul Goboleed ayaan kamid noqon doonin martida Heshiiska lagu soo afmeerayo midnimada labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusuna.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com