Maxay si gaar ah ugu wada hadleen Hailemariam Desalegn iyo Muuse Biixi?: Sawirro

Addis Ababa (Caasimada Online) –Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo kullan gaar ah la yeeshay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxay si wada jir ah ugu hadleen natiijada kulankooda.

Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in ujeedada koowaad ee kulanka inuu ahaa xoojinta xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya iyo amniga, maadaama buu yiri nabadgelyada Itoobiya inay tahay nabadgelyada Somaliland, sidoo kalena ay isla soo qaadeen qorshaha horumarinta mashruuca Berbera Corridor oo ka kooban dhowr mashruuc oo ugu horeyso wadada isku xireysa Berbera ilaa Wajaale, taasoo mari doona ganacsiga Itoobiya ugu soo dega dekadda Berbera.

“Waxaanu kawada hadalnay arimaha nabadgelyada, sababtoo ah waxaanu aaminsanahay nabadgelyada Itoobiya inay tahay nabadgelyada Somaliland, sidoo kalena nabadgelyada Somaliland waa nabadgelyada itoobiya. waxaanu kaloo ka wada hadalnay in aanu Somaliland ka wada shaqayno horumarinta marshuuca Berbera corridor, in la horumariyo oo aanu annaga iyo saaxiibadayadu sii wadno horumarinta marshuuca, si ay uga wada faa’idaystaan labada dhinac.

Madaxweyne, Muuse Biixi ayaa dhankiisa soo dhoweeyay kulankaasi, isagoona ugu mahad celiyay Itoobiya sida ay ugu govan tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya labada dhinac.