Maxkamadda CQS oo xukuntay eedeysanayaashii loo heystay Qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa saaka xukun maxkamadeed ku riday eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe 14-kii October sanadkii 2017-kii.

Maxkamada oo tan iyo wixii ka danbeeyay Qaraxa ku howlaneed baaris iyo baadi-goobka cadeymo muujinkara in ragaasi ay ku lug leeyihiin Qaraxa ayaa maanta riday xukunka maxkamadeed.

Xukunka Maxkamada ayaa u dhacday sida tan:

1-Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

2-C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.

3-C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah:-

1-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble

2-Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidaasi ku sheegtay inuu yahay xukunka eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe.

Qaraxii Zoobe oo taariikhda u galay Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 600 oo ruux, halka dadka dhaawacmay ay gaarayaan ilaa 400.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com