24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

$50 Million ayey ku xiran tahay dhismaha Ciidamada Cirka Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin sanadkii hore uu Bangiga Adduunka ka soo saaray dhaqaalaha ku bixi kara amniga Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Muqdisho u baahan tahay ilaa 10 Milyan oo Dollar si ay u dhisato Ciidamada Cirka 10-ka sano ee soo socota. Hadda 170 qof ayaa u qoran Ciidamada Cirka, mana heystaan wax qalab ah.

Bangiga Adduunku waxaa uu ku taliyay in canshuurta kor loo qaado si qarashkaasi u soo xaroodo, awoodda ciidamadana, gaar ahaan kuwa cirka, loo dhiso. Bangigu waxaa uu qarashka ku baxaya amniga gudaha ku qiyaasay sanadkii $150-220 million.

Mar uu ka hadlayey horumarinta Ciidamada Cirka, waxaa uu sheegay Bangigu in loo baahan yahay qarash dhan $50 million muddo 10 sano ah.

Taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay laheyd Ciidamo Cir iyo diyaarado military oo ay ku jiraan diyaaradaha guuxa ka dheereeya iyo helicopters.

Ciidanka Cirka: Tirada guud ee Ciidanka Cirka waxaa ay ahaayeen 1,000 askari, tirada duuliyeyaasha 40, nooca(MIG 19, 29 xabbo iyo 15 duuliye), nooca MIG-21(11 xabbo iyo 9 duuliye), nooca MIG 17/15(13 xabbo iyo 6 duuliye) iyo diyaaradaha wax-daabula noocyada G-222, AN-24 iyo AN-26 min labo xabbo, qeybtan dambe 10 duuliye ayay lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60