Maxaa ka jiro inuu natiijo la’aan kusoo dhammaaday kulankii dhex maray R/W Khayre iyo Ganacsatada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudooyinkaan dambe waxaa hakad ku jira shaqada Dekada magaalada muqdisho oo aan u socon sidii loogu talo galay kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ay joojiyaan in ay la baxaan Badeecadaha uga jira gudaha Dekada iskaba daa in mid cusub keenaane taasi oo ay kaga biyi diidsan yihiin canshuur lagu soo rogay in laga qaado taas oo ah % 5 qiimaha badeecada ay keenaan.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mudo todobaad gudahiis ah  tiro laba jeer ah qabtay shir jaraa’id oo u arintaasi kaga hadlayay, isagoo walaac ka muujiyay is faham darada u dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa dhankooda kulan ay yeesheen waxay ku diideyn Canshuurta dheeriga ah ee lagu soo rogay , taasi oo noqotay in labada dhinac soo kala dhex-galo isfaham waa keenay in arintu gaarto Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ganacsatada ayaa dood kulul dhex martay, waxaana Ganacsatada ay qeyla dhaan ka keeneen canshuurta xad dhaafka ee lagu soo rogay alaab kasta oo dekeda laga soo dejiyo oo lagu kordhiyo 5%, taasoo Ganacsatadu sheegeen inay tahay mid u gaar ah Dekeda Muqdisho,

Ganacsatada ayaa cabashadooda u sababeeyay Dekedaha kale ee dalka aanay ka jirin canshuur xad-dhaaf ah, isla markaana hadii ay tan suura gasho ay dib u dhac badan kala kulmayaan Ganacsigooda, ayna keeni karto in Suuqyada Muqdisho uu ka dhaco sicir barar iyo inuu kordho qiimaha wax lagu iibsado.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku adkeystay in canshuurta ay tahay mid dowladda u baahan tahay, qeybna ka ah nidaamka dowladnimada, isla markaana aanay suurta gal aheyn in wax laga dhimo, waxaa uu ka codsaday in Ganacsatada inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay in Ganacsatada in Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ku riixeyso sidii loo qaadi lahaa canshuuraha, isla markaana la waafajiyo nidaamka canshuur qaadista, si ay horseed ugu noqoto in laga cafiyo deymaha.

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatada ay diideyn bixinta lacagta lagu soo kordhiyay Dekadda Muqdisho, halka Xukumadana ay dalbatay in la bixiyo lacagta dheeraadka ah.

Sidoo kale Xukumadda Khayrre ayaa Ganacsatada ka dalbatay in ay sii socoto shaqada Dekadda oo todobaad hakad ku jirto, Ganacsatada ayaa la feliyaa in maanta yeeshaan kulan kale oo u gaar ah kaas oo ay kaga hadlayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen Muranka Dekadda.

Waxaa weli xiran shaqadii Dakadda Magaalada Muqdisho maalintii Sagaalaad, iyadoo amuurtaasi ay sabab u tahay koror xooggan oo Canshuur ah oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, iyadoo ganacsatada ay ka biyo diidan yihiin qiimaha canshurta lagu kordhiyay.

Badeecadaha kala duwanaa ee Dakadda laga soo dajin jiray, ayaa waxa ay ku xaniban yihiin dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, maadaama ganacsatada ay diideen inay bixiyaan qarashka faraha badan ee Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo rogtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com