Muuse Biixi: “ Soomaaliya waxaa ka taliyo wiil yar waana aqbalnay dagaalka uu ku baaqay”

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay  Maanta uga soo jawaabay dowladda Federaalka Soomaaliya diidmadii ay ka muujisay heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee dekada Magalada Berbera.

Muuse Biixi ayaa marka hore difaacay heshiiskaas,waxa uuna sheegay in Soomaaliland uu yahay dal madax banaan,isla markaana heshiis la geli kara cidwalba.

 Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maamulkiisu ay aqbaleen dagaal uu sheegay in ay ku baaqday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay wiil yar oo ka taliya Xamar,waxaana uu sheegay in Somaliland ay aqbashay sida uu yiri dagalka ay ku baaqday Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu aad u dhaliilay gp’aanka dowladda Federaalka ah ee ka dhanka ahaa heshiiska Dekadda Berbera ay kula wareegtay DPWorld iyo saamiga laga siiyay Itoobiya.

Waxaa uu difaacay heshiiska Berbera isaga oo sheegay in uu jirayo sidoo kalena aysan Somaliland marti ku ahayn Berbera ee ay iyada leedahay.

Somaliland ayuu sheegay in ay dhab u qaadaneyso hadalka ra’isalwasaare kheyre ee ah heshiiska berbera in uusan sharci ahayn,islamarkaana ay Somaliland diyaar u tahay dagaal ay la gasho dowladda Federaalka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com