Muuqaal: Gurigii uu lahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo mar kale la doonayo in xoog lagu qaato iyo Xildhibaano kusoo baxay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo dhawaan Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey ilmaha Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya  Cabdullaahi Yuusuf guri uu lahaa aabahood oo ku yaalo Magaalada Muqdisho kaasoo xoog looga heystay ayaa waxaa haddana soo baxayo inay socdaan qorshooyin lagu doonayo in mar kale gacantooda looga bixiyo.

Waxaa lasoo sheegayaa in dacwad been abuur ah laga furayo Maxkamadda Gobolka Banaadir isla markaasna lagu doonayo in lagu xalaaleysto guriga uu lahaa Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Nabadoon Xaad oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in xog farabadan oo ay soo aruuriyeen kadib ay ogaadeen inuu gurigaas lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna ku baaqay in hantidaas ay leeyihiin agoonta loo dhaafo oo aan si xoog ah looga qaadan.

” Dad xog ogaal ah oo aan wareysanay ayaa noo xaqiijiyey inuu dhulkaan lahaa  Cabdullaahi Yuusuf Axmed” ayuu yiri Nabadoon Xaad oo saxaafadda kula hadlay gudaha booska ay leeyihiin ilmaha Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Xildhibaan Duniyo Maxamed Cali ayaa sheegtay inay tahay arrintaas mid laga xumaado  madaxweyne xilli uu dalka xaalad xun ku jiray soo hoggaamiyey in lagu qabsaday halkii boos oo uu dalka ku lahaa.

” Adduunka qofka haddii uu xil kasoo qabto waxaa loo baahan yahay in la karaameeyo, dadka dariska iyo kuwa deegaanka ayaa caddeeyey inuu dhulkaan lahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna dalka ka dagi la’yahay waa hantida ma guurtada ah ee la kala heysto

Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay xaqiijinayaan inuu dhulkaan leeyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulalahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay inuusan sheegan karin qof kale.

” Cabdullaahi Yuusuf Axmed 10 guri xamar kuma laheyn, gurigaan kaliya ayuu Xamar ku lahaa, haddii isaga lagu qabsado waa doqonimo waa garaad yari, waana wax laga xishoodo, qoyska iyo ehelada dhaxalka u leh gurigaan waxaan cod dheer ku dhahayaa gurigaan adinkaa iska leh” ayuu yiri Xalane.