Muuqaal : Falanqeeyayaal carbeed oo sheegay in Dowladda Federaalka awood u lahayn is hortaaga heshiiska Dekedda Berber.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Barnaamijka Maa waraa’al khabar ee kabaxa tvga afka dheer ee Aljazeera ayaa lagu soo qaatay go’aankii dhawaan dowladda federaalka ay ku sheegtay inuu sharci darro yahay heshiiska saddex geesoodka ee dowladaha Imaaraatka Carabta, Itoobiya iyo maamulka Soomaali-land ay ka gaareen dekadda Barbara.

Barnaamijka oo ay ka qeygalayeen Falanqeeyayaal wax badan kala socoda xaaladda Soomaaliya iyo tan Imaaraatka ayaa hoosta ka xariiqey in dowladda Imaaraatka uu wado damac dhul ballaarsi ah, islamarkaana ay dooneyso iney gacanta ku dhigto mandiqadda istiraatiijiga ah ee geeska Africa.

Anwar Axmed Mayow oo ah wariye qoraa ah, kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa isagoo ka qeybgalayay barnaamijka Maa Waraa’al khabar ee Aljazeera waxa uu sheegay in heshiiska saddex geesoodka ah ee ku saabsan Barbara uu ka gudbay qadadka cagaaran, islamarkaana aad loo bahdiley dowladda, maadaama heshiiska la saxiixay iyadoo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre uu ku sugnaa Imaaraatka, laguna wargelin heshiiska.

Waxa uu intaa ku daray Mayow in markii la saxiixayay qodobada heshiiska goobta lasoo dhigay oo keliya calamada Itoobiya, Imaaraatka iyo kan Soomaali-land, taasina ay muujineyso inaaney aqoonsaneyn dhamaan dowladahaas jiritaanka dowladda federaalka ee Farmaajo uu hogaamiyo.

Raami Al-khaliifa oo ah baare ku sugan Faransiiska, barnaamijka Aljazeerana ka qeybgalay ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska Soomaali-land ay la gaartay shirkadda DP World aanu ahayn heshiiskii ugu horeeyey ee maamulkaas saxiixo, iyadoo aaney waxba ka ogeyn dowladda dhexe ee federaalka.

Wuxuu sheegay in Soomaali-land ay heshiisyo dhowr ah la gaartay dowladaha Norway, Turkiga, Bankiga Caalamiga, iyo shirkado badan oo ka howlgala qaaradda Yurub, isagoona intaa ku daray in beesha caalamka ay naas nuujiso maamulkaas, una aragto inuu yahay mid danaheeda ka shaqeeya.

Mar la waydiiyay Anwar Axmed Mayow oo Muqdisho jooga tallaabada ay qaadi karto dowladda federaalka haddii shirkadda DP World kusii socoto heshiiska ay la gaartay Soomali-land ayuu sheegay in Imaaraatka markii ay heshiiska kusoo darayeen Itoobiya ay dareemayeen in dowladan ay dowr weyn ka cayaareyso Soomaaliya, taas bedelkeedana ay dowladda Federaalka isku dayi doonto in dowladda Itoobiya ku qanciso oo keliya inaney qeyb ka noqon heshiiska, waxaana haddii taas ay dhici weyso ay ka dhigantahay in heshiisku sidaas ku hirgalay.

Arintan ayaa muujineysa awood darida dowladda Federaalka iyo inaaney ahayn dowlad madax banaan oo awood u leh maamulida dalkeeda, waxana muuqato inay Imaaraadka si cad ugu xad gudubtay dalka Soomaaliya iyo jiritaankiisa.