Muxuu C/weli Gaas ka yiri wararka laga faafiyey ee ku saleysan doorashada maamulka PL

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga hadlay warar sheegaya inuu wado qorsho muddo kororsi ah.

C/weli Gaas, ayaa sheegay inuu helay warar mugdi ku jira oo tilmaamaaya in shaqsi ahaantiisa uu ku howlan yahay inuu kororsado xilka ka dhamaaday.

C/weli Gaas, waxa uu tilmaamay in mudada u harsan ay tahay 10 bil, waxa uuna cadeeyay inay ku filan tahay mudada uga harsan xilka.

Gaas ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana sharciga Puntland aanu qabin in doorashada waqtigeeda la dhaafiyo, sida uu hadalka u dhigya.

Doorashada ayuu sheegay C/weli Gaas inay dhici doonto xilliga loogu talogalay, isla markaana ku dhici doonto qaab ka wanaagsan sidii hore, wallow aanu qaabkaasi faah faahin.

‘’Anigu ma qabo wax la yiraahdo waqti kororsi, waxaan halkaan ka cadeynayaa inaanu dhici doonin waqti kororsi isla markaana ay doorashada ku dhici doonto waqtiga loogu tallo galay’’

Dhinaca kale, C/weli Gaas, ayaa mar kale ku celiyay in 8 January 2019 la qaban doono doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com