Akhriso: Liiska dhaawacyada Qaraxii Zoobe ee maanta dib looga soo celinaayo dalka Turkiga (Sawiro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyo qaar kamid ah dhaawacyada qaraxii 14kii October ee ka dhacay Isgooyska Zoobe oo muddo badan lagu dabiibayay Isbitaalo ku yaala Turkiga.

Dhaawacyadaan oo soo dhameystay daawooyinka loogu qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa iminka laga soo sagootiyay Garoonka Diyaaradaha  ee magaalada Ankara.

Dhaawacyadan maanta kusoo fool leh magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Ankara kasoo sagootiyay Saraakiil ka kala tirsan Wasaarada Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha Turkiga.

Maamulka Safaarada Somalia ee Turkiga ayaa sheegay in dhamaan dhawacyadii soo gaaray dalka Turkiga dib loogu celiyay muqdisho,iyagoo caafimaad qaba, guud ahaan dhawacyadaas oo ka koobnaa 35 ruux iyo 34 ruux oo la socotay.

Dhaawacyada la filaayo inay maanta soo gaaran magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah:

1-Axmed Siyaad Cabdi

2-Liibaan Nuur Cosoble

3-Axmed Xuseen Warsame

4-Cabdullahi  Cali Maxamed

5-Laylo Isaq Maxamed.