Farmaajo oo kulan la qaatay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolkan Benaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweeynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan khaasa la yeeshay maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka qeybqaatay Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Cabdi Raxmaan Cusmaan Yariisoow, ku-xigeenadiisa oo ay wehlinayaan Gudoomiye yaasha 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Gobolka Banadir Maxamed Cabdi Sabriye, waxaana la xaqiijiyay inuu khuseeyay sida lagu hormarin lahaa amniga Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka, Ku-xigeenadiisa iyo Guddoomiyayaasha 17-ka Degmo ka dalbaday in la muujiyo isbedel dhanka amaanka iyo Horumarka.

Farmaajo, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in magaalada Muqdisho oo ka jira maamul haddana ay ka dhacaan falal amni darro, waxa uuna Guddoomiyayaasha 17-ka Degmo ka dalbaday inay la imaadan amni iyo horumar.

Xubno ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aad uga carooday habacsanaanta maamulka Gobolka, gaar ahaan kuwa Degmooyinka.

Xubnaha ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu u sheegay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka inay wada shaqeeyaan Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Suggida Degmada, si wax looga qabto amnidarada ka dhacda Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu amray inuu la imaado isbedel dhanka maamulka iyo Amniga, waxaana loogu baaqay inuu dajiyo Istiraatiijiyo ka duwan kusii hore.

Madaxweynuhu waxa uu dhinacyada kulanka qeybta ka ahaa ugu baaqay inay u diyaar garooban isla xisaabtan, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaan la aqbali doonin isla xisaabtan la’aan.

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Maalmihii lasoo dhafay waxaa uu kulamo la qadanayay Mas’uuliyiinta dhinaca Amniga ee Doowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com