Sacuudiga oo durba bilaabay dhex dhexaadinta dowladaha Somalia & Imaaraadka Carabta (Sidee ayuu u socdaa?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Sacuudiga ayaa bilowday dadaalada ay ku dhex dhexaadineyso dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo isku haya Heshiiska Dekadda Berbera iyo faragalinta sii kordheysa ee uu Imaaraadka ku hayo Somalia.

Dowlada Sacuudiga ayaa wafdi hordhac ah u dirtay magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka isutaga Imaaraadka Carabta kuwaa oo hordhac u noqon doona wafdi heer sare ah oo ku baxay dhex dhexaadinta labada dal.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan qoyska boqortooyada waxaana lagu wadaa in la kulanka madaxda Imaaraadka kadib ay magaalada Riyadh uga yeeri doonaan Madaxweyne Farmaajo ama Ra’isul wasaare Kheyre oo ay la furi doonaan kulamo lagu dhex dhexaadinaayo labada dal.

Dowlada Somalia iyo Imaaraadka ayaa Khilaafkooda ugu xoogan ka bilowday heshiiskii 3 geesoodka ahaa ee ay wada galeen Somaliland, Ethiopia iyo Shirkadda DP-world oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaana Heshiiskaasi waxkama jiraan ka dhigay Somalia.

Dowlada Sacuudiga ayaa Siyaasad ahaan u janjeerta dhanka Imaaraadka carabta, waxaana aad looga cabsi qabaa in Sacuudiga uu Somalia ku qanciyo in shirkada DP World ay dhameysato Heshiiskeeda ama loo ogolaado kala bar.

Baarlamaanka Somalia ayaa Shirkada DP World ku amartay in laga eryo dhammaan dalka, isla markaana Heshiiskaasi uu yahay mid sharci daro ah, waxayna dalka ka mamnuuceen shirkadda DP-World.

Dhex dhexaadinta Sacuudiga ayaa kusoo beegmeysa xili Dowladda Soomaaliya ay todobaadkii tagay u gudbisay fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta warqad ay dacwo uga tahay Imaaraadka Carabta oo shirkad laga leeyahay heshiis Saddex geesood ah uga gashay Dekeda Berbera.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com