Golaha Aqalka Sare ee BF oo go’aan ka gaaraya Heshiisyada  Shirkadda DP World.

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa shalay loo qeybiyay Xeerkii ay maalin kahor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaanada BFS ayaa talaabo sharci darro ah ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ku gashay Somalia, sidaa aawgeedna waxa ay Xildhibaanadu shirkada ka mamnuuceen inay ka dhex shaqeyso Somalia.

Xildhibaanada BFS ayaa sheegay in DP World guud ahaan laga mamnuucay Somalia, isla markaana wixii khuseeya Hanti Qaran aysan bixinkarin maamulo iyo shaqsiyaad gaara.

Xildhibaanada Aqalka Sare oo shalay laga sugaayay inay go’aan ka gaara Heshiiska Dekadda Berbera iyo Shirkada DP World ayaan u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka hadleen weerarkii lagu qaaday Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), balse maanta ayay mar kale ka doodayaan arrinta DP World.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa xaqiijiyay in maanta ay xildhibaanada ka hadlayaan heshiiska DP World, go’aan mideysan ay ka qaadan doonaan.

Geesta kale, Hadii maanta xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com