Cabdweli Muudey oo qabtay Mooshinkii Guddoomiye Jawaari iyo Xaaladda Jawaari oo meel xun mareyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qabtay mooshin laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari).

Guddoomiye ku xigeenka C/weli Ibraahim Muudey ayaa saaka aroortii lagu wareejiyey mooshinka oo ay saxiixeen 107 xildhibaan, waxaana uu saxiixay qabashada mooshinka, iyadoo ay taasi ay keeni karto arrimo dhowr ah iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhex qaraxday madaxda sare ee dalka.

Go’aanka ugu horeeya ee qabashada Mooshinka Jawaari keenayo ayaa ah inuusan Jawaari guddoomin karin fadhiyada golaha shacabka, iyadoo uu noqonayo xildhibaan caadi ah inta mooshinka ka yaalla meel laga saarayo.

Xiisada siyaasadeed iyo mooshinka Jawaari ayaa si lama filaan ah u soo shaac baxday xalay iyadoo mooshinkan oo ay hore u wadeen xildhibaanno aan badneyn ay taageereen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Akhriso Mooshinka laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qodobo xasaasi ah oo lagu soo eedeeyay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com