Akhriso Mooshinka laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qodobo xasaasi ah oo lagu soo eedeeyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd gudbiyey Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Mooshinka oo ay saxiixeen 107 xildhibaan ayaa qodobo dhowr ah lagu soo eedeeyay Guddoomiye Jawaari, waxaana goor dhow xildhibaanada wada mooshinka ay shir jaraa’id ku qabanayaan hotel u dhow xarunta Madaxtooyada.

Xiisadaan siyaasadeed ee soo wajahday Prof. Jawaari ayaa muran iyo buuq badan ka dhex abuuri doonto Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Jawaari lagu yaqaan inuu yahay nin inta badan dhankiisa holac ka shido siyaasadda.

Mooshinkan laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa ka dhigan in wixii hada ka dambeeya aanu shir guddoomin karin kulamada Baarlamaanka, inta uu Mooshinka ka yaallo sidaasna uu ku yahay Xildhibaan caadi ah.

Kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka oo maalmo ka hor furmay ayaa la saadaalinayaa inay hareyn doonaan mowjado qalalaase siyaasadeed ah iyo khilaaf soo kala dhex gala Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo soo if baxay xilli aan la fileyn.

Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah qodobadii lagu soo eedeeyey Guddoomiye Jawaari, waxaana dhawaan diinla wadaagi doonaa cidda gadaal ka riixeyso mooshinka Jawaari laga diyaariyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com