In ka badan 100 xildhibaan oo saxiixay Mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiye Jawaari iyo xiisad siyaasadeed oo..

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanno gaaraya 107 xildhibaan ayaa saxiixay mooshin laga diyaariyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mooshinkan oo muddo soo socday ayaa mar kale xalay qarxay markii ay ku soo biireen xildhibaannada taageersan xukuumadda iyo Madaxweynaha oo dhinacooda ka war helay in mooshin kale laga wado Ra’iisal wasaare Kheyre.

Xaalad kacsan oo siyaasadeed iyo qoraalka mooshinno iska horjeeda ayaa xalay oo dhan ka socday magaalada Muqdisho iyadoo xildhibaannadu waagu u baryey, waxaana xafiisyada guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha ka socday qorista mooshinnada.

Guddoomiye Jawaari ayaa hore waxaa ugu dheganaa xildhibaanno arrimo kala duwan ku soo eedeeyay oo u badan kuwo shaqsi ah, laakiin waxay xaaladu mar qura is bedeshay markii mooshinkiisu xoogeystay oo uu ku soo biiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadibna, taageerayaasha Jawaari ay bilaabeen Mooshin ka dhan ah xukuumada iyo Ra’iisal wasaare kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com