Ceyrinta DP World ee Berbera saameyn ma ku yeelaneysaa heshiiska dekedda Boosaaso?

Go’aankii barlamaanka Somalia dalka kaga cayriyay DP world kadib waxaan baaritaan ku sameeyey saamaynta go’aanka Barlamanku ku yeelenayo shirkadda P&O Port ee maamusha dekeda Bosaso, sharci ahaan.

DP world iyo P&O Ports waa laba shirkadood oo kala madax banaan waxaana iskaleh maamulka Dubai (Dubai Government) waana shirkado ah sida Fly Emirates iyo Fly Dubai, wax aka dhexeeya xiriir shaqo laakiin si buuxda ayay u kala madax banana yihiin sida uu caddeeyey maamulaha DP world Sultan Ahmed Bin Suleyman waqtigii maamulka dubai uu lasoo wareegey P&O Port  2006 diika akhriso lifaaqan https://www.logisticsmiddleeast.com/article-11082-po-ports-established-in-dubai-to-diversify-dp-world

P&O Port waxa la asaasay sanadkii 1822, waxaana asaasay ganacsato British ah oo xiriir lalahaa boqortoyada ingiriiska, mageceedana waxa laga soo gaabiyay (Peninsular and Oriental Steam Navigation Company ) sanadkii 2006 ayaa waxaa gatay maamulka Dubai (Dubai Government) oo ka bixiyay lacag dhan ($5.7 billion) iyagoo ugu talagashay maamulka dekedaha yaryar iyo kuwa dhexe sida ku cad mandate ka shirkadda.

Taariikhda P&O oo dhamaystiran ka akhriso halkan http://www.poheritage.com/our-history/timeline ama https://en.wikipedia.org/wiki/P%26O_(company)

Sidaa awgeed waxaa halkaa ka cad in labada shirkadood ay kala madax banana yihiin taas oo suaal galinaysa go’aankii baarlamanku inu ku koobnaan doono shirkada DP Worl oo maamulka Somaliland heshiis kula jirto ama labada shirkadood oo xilfi wadaagta ah uu isku si ugu dhacayo.

Marka aan eegno aamuska Puntland ee ay ka aamustay go’aankii baarlamanka iyagoo aan soo dhowayn iskana fogeyn iyo sidoo kale falcelin la’aanta shirkada P&O Port waxay muujinaysaa in uuna qoseyn go’aankii baarlamanku maadama an magocooda lagu xusin.

Xasuusnow madaxa DP World Bin Suleyman markii uu ka jawaabayay hadalkii raisal wasaare khayre waxa uu sheegay inay heshiis kula jiraan maamulka Somaliland oo uu ku sheegay mid madax banaan isagoo aan haba yaraatee soo qaadin Puntland, taasi waxay caddaynaysaa in labada shirkadood waxba iska quseyn.

Dowladda Somalia iyo Sharci yaqaanada ku xeel dheer arrimahaas ayaan u daynayaa inay faahfaahin kasiiyaan shacabka soomaaliyeed in go’aankii baarlamanka ee DP World dalka lagaga saaray uu ku kooban yahay kaligeed iyo in P&O Port kula jirto? 

W/Q: Siyaasi Abdullahi Nur

Email : Mrabdullahi.nur@gmail.com