Xog: Kheyre oo bilaabay olole ka dhan ah dowlada Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo ololo ka dhan ah dowlada Imaaraadka Carabta.

Ololaha ayaa xooligiisa ka socda Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, waxaana lasoo sheegayaa in ololahaasi uu Hoggaaminaayo RW Kheyre.

Ololaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro, Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo gabi ahaan ka mideysan sida dalka looga saari lahaa dowlada Imaaraadka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa qeybaha kor ku xusan ku tashkiilinaaya sida ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayen soo afmeerida faragalinta uu Imaaraadka ku hayo Somalia iyo in Shirkada DP World laga eryo dalka oo idil.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheye dhinacyadaasi ka tirsan dowlada ku dhiiri galinayaa in Somaliland ay qeyb ka tahay maamulada ka jira dalka, sidaa aawgeed aysan waxba kasoo qaadeynin go’aan waliba oo ay ku buunbuuniso xiisada Dekadda Berbera.

Waxa uu sheegayaa in cida ay xifaaltanka kula jiraan ay tahay dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu adeegsaneysa Shirkada DP World, hase ahaatee ay labaduba weyn doonaan qorshooyinkooda Somalia.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaabada iyo mas’uuliyiinta kale ku dhiirigalinaaya inay ka dhiidhiyaan qadiyada ay dowlada Somalia ku difaacaneyso Dekadda Berbera oo Hanti Umadeed ah.

Tallaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxda ugu sareysa ee dalka ay isku raaceen in Dekadda Berbera ay u baahan tahay badbaado, waxa ayna arrintaani muujineysaa in xaalku yahay mid cakiran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com