Qaybdiid “Ciidamo uu tababaray shisheeye ayaa si sahlan iigu soo xadgudbay, waana ka jawaabi doonaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa mar kale sheegay inaanu ka gaabsan doonin muujinta falka lagu weeraray Hooygiisa ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qaybdiid, ayaa sheegay inaanu ku yareen awood dhan waliba ah, balse uu weli tixgalin gaara siinaayo dowlada Somalia si go’aan lagu qancikaro looga soo saaro kiiska weerarka.

Qaybdiid, waxa uu tilmaamay inuu awoodo ka cad goosiga Imaaraadka oo uu sheegay inay ku dhex dulmiyeen dalkiisa, hase ahaatee uu dowlada Somalia dib ugu celinaayo kiiska baaritaanka oo aanu weli ku qancin.

‘’Waxaan ka danqanayaa in ciidamo ay tababareen shisheeye carbeed ay igu dhex weeraraan dalkeyga, mar kale ayaan dowlada ugu baaqayaa inay ka faa’iideysato fursadaha aan weli ku sugaayo xal u helida kiiska weerarka’’

Qaybdiid, waxa uu carab dhabay inay isku biirsadeen laba arrin oo kala ah dowlada FS oo aan diyaar u aheyn inay qaado talaabo lid ku ah falka lagu weeraray Hooygiisa iyo Imaaraadka oo u muuqda in Somalia uu ku sanduleynaayo awoodiisa.

Sidoo kale, waxa uu Qetbdiid ku goodiyay in wakhti xun ay dadku dhagta u taagi doonaan Jawaabta uu ka bixin doono falka aan weli loo helin xalka.

Si kastaba ha ahaatee, Maalintii uu dhacay weerarkaasi waxaa la xiray ciidamadii weerarka fuliyay, iyadoo maalmo kadib xabsiga laga sii daayay ciidankaasi mana jirto cid gaara oo dusha laga saaray falka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com